Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeDowlada Talyaaniga oo bad baadisay Tahriibayaashii ugu badnaa
Array

Dowlada Talyaaniga oo bad baadisay Tahriibayaashii ugu badnaa

Dowlada talyaaniga ayaa sheegtay in inka badan 3,300 oo tahriibayaal ah ay isku dayeen Jimcihii shalay oo kaliya ay ka gudbaan biyaha u dhaxeeya Libya iyo Talyaaniga, sida ay sheegeen ciidamada ilaalada xeebaha ee Talyaaniga.
Howlgal ay sameeyeen ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa lagu helay meydadka 17 ruux oo saarnaa doomo kala duwan oo seddex gaaraya, iyo 217 ruux oo saarnaa doono kale oo la badbaadiyay, sida ciidamada badda saraakiil u hadashay ay sheegeen.

Ciidamada xeebaha ayaa warbaahinta u sheegay in dadka meydadkooda la helay ay la socdeen doono kala duwan, kuwaasi oo shalay oo kaliya badda galay.

Hayada muhaajirinta caalamiga ee IOM ayaa dhankeeda soo bandhigtay tirada dadka sanadkaan ku dhintay biyaha u dhaxeeya Libya iyo Talyaaniga, waxaana lagu sheegay iney gaarayaan 1,826 ruux.

Maraakiibta Ireland, German iyo Belgian ayaa ka qeyb qaatay badbaadinta dadka tahriibayaaha ah, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay wargeys kasoo baxa dalka Talyaaniga.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay ku dhawaad 40 kun oo ruux iney isku dayeen iney ka gudbaan biyaha Libya iyo Talyaaniga shanta bilood ee hore ee sanadkaan 2015.

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY