Dowlada Turkiga oo cambareysay Qaraxii lagu dilay Taliyihii booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole.

    0
    38
    Sabti October 1, 2022 {HMC} Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay Qaraxii lala beegsaday taliyihii booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole
    Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay si weyn uga naxday geerida taliyaha booliska gobolka Banaadir
    “Waxaan aad uga xunahay markii aan ogaanay in Gen. Farxaan Qarole uu naftiisa ku waayay weerar argagaxiso oo maanta dhacay. Waxaan tacsi u direynaa qoyskiisa, asxaabtiisa iyo shacabka Soomaaliyeed. Naxariistii Janno Allaha ka waraabiyo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Turkiga
    Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Dowladda dhexe
    sii wadi doona taageerada  la dagaalanka waxa looga yeero argagixisanimo iyo awoodeeda oo dhan”