Friday, April 19, 2024
spot_imgspot_img

Muuqaalada aad TikTok iyo Facebook soo dhigto oo filimada anshax xumada loo adeegsan karo

Khamiis-21- March-2024 {HMC}  Dokomentari soo saare baaris ku sameeyay saameynt ay leedahay muuqaallada habka digital-ka qof sawirkiisa iyo jirka qof laysku dhajiyo kuwaas oo loo adeegsado filimada anshax xumada ayaa sheegay in ay maskaxyin welwel ku abuuraan dadka laga sameeyay.

Filimika Rose Morris waxaa laga jilay qoraaga Helen Mort khibradeeda la xiriirta muuqaaladeeda la been abuuray ee loo adeegsaday filimada anshax xumada.

Muuqaallada la been abuuray waa sawirka wajiga qof caadi ah oo lagu xirayo jirka qof kale iyadoo la adeegsanayo garaadka macalmaka (AI).

Helen ayaa sheegtay in sawiradeeda lagala soo baxay Facebook ay hore u laheyd ama bar kale oo ay lahed.

Filimka ayaa lagu arkay Helen oo da’adeeda u dhexeyso 19 ilaa 32 oo dhoollacadeyneso joogtana aroos iyo meelo kale oo qoysas ay ku kulmeen.

Dhabtii waxaa sawirada Helen oo si digital ah loo adeegsanayo lagu dul sameeyay kuwa kale oo ah haween galmo sameynaya.

“Waxaan arkaa sawirkeyga”, ayey tiri helen oo toos kaamerada u eegeysaa oo intaas ku dartay in haweeneyda geeska sariirta ka fadhisa wajigeeda uu yahay keeda balse afkeeda ayey tiri ma ahan keyga. Waxay jileysa galmo. Waxay tiri wuxuu sharaf darro ku yahay qofka leh sawirka oo ah aniga.

Isku dubaridaha filimka ayaa sheegtay inay dooneyso inay sii baarto saameynta ay sawiradan ku leeyihiin Helen iyo nolosheeda, waxayna sheegtay in ay rajeyneyso in dadka ay u gudbiso cabsida iyo welwelka ay Helen la kulantay.

Filimka waxay Helen ku sharaxeysaa in marka ay jidka mareyso ay u maleyso in dadku arkeen sawiradeeda, waxayna aamintaa in qof walba uu la socdo arintan xun taas oo ah wax ay iyada sameysay.

Dokomenteriyo kale ayaa laga sameeyay muuqaallo kuwan la mid ah oo farsamada AI-da lagu sameeyay kuwaas oo loo adeegsaday aflaanta anshaxa xun.

Rosie waxay sheegtay “Filimkeyga ma jecleysanayana kuwa aflaanta anshax darrada sameeya laakiin waxba igama gelin, ujeedkeyga waa in aan Helen arintan ku taageeraa”

Cabsida ka dhalatay adeegsiga sawirada been abuurka ah ee loo adeegsaday filimada anshax darrada ayaa ah mid xaqiiq ah. Prof. Clare Mcglynn waa khabiir ka tirsan jaamacadda Durham waxay sheegtay in sawiradan ay sameyn xun ku leeyihiin nolosha qofka.

Arrinta ugu adag ah ayaa inaan si sahlan looga sooci karin sawiradeeda ee ay maskaxda ku haysatay.

Warbixin ay soo saartay Sensity AI oo ah bar faahfaahisa sawirada been abuurka ee AI lagu sameeyay ayaa lagu sheegay in 96% muuqaalada loo adeegsado filimada noocaan ah ay yihiin kuwa aan ogolaasho laga helin milkiilaha. 99% dadka dhibanaha u noqda arintan waa haween.

Helen waxay sidoo kale ka hadashay naxdintii ay oo aragtay kaddib markii ay ogaatay in aan wax tallaabo sharci ah laga qaadi karin kuwa sawiradeeda u adeegsaday filimadan.

Booliska Scotland waxay leeyihiin awood ay ku baaraan farsamadan balse qeynuunka England ma ogolaanayo tan.

Xeerka amniga internet-ka oo hadda dib u eegis ay ku sameynayaan aqalka sare ee UK ayaa laga doodayaa hadii ay sharci darro tahay in la wadaago muuqaallada been abuurka ee sawir qof leeyahay lagu dhajiyay jirka qof kale.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 18-04-2024

Khamiis 18 April , 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo :: Mustaf Ali...

{DAAWO MUUQAALKA} Xarunta Qaran ee Tubsan oo Muqdisho ka furtay Kulanka ka hortagga iyo la dagaalanka fikirka AS

Khamiis-18-April-2024 {HMC} Xarunta Qaran ee Tubsan oo Muqdisho ka furtay Kulanka ka hortagga iyo la dagaalanka fikirka AS HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA. https://youtu.be/XsxfrgCejdE

WARARKA