Nimankan oo bangiyada ka shaqaynayey ayaa waxay jarajareen waraaqaha wargeysyada oo ay u eekaysiin lacag, ka dibna waxayna ka buuxiyey sanaduuq lacagaha lagu keedinayay.
Waxayna xadeen lacago garaya dhowr kun oo kiilo oo NIERA ah oo xumaatay oo ay ku badeleen waraqahii journaalada oo ay lacag ahaan u jar jareen.
Gudiga ka hortaga musuqmaasuqa ee Nijeeriya ayaa xabsiga u taxaabay 6 masuul oo ka tirsan Bangiga EFCC waxa kale oo ay xireen 16 qof oo ka shaqeenayay bangiyada gaarka loo leeyahay .
Madaxweynaha cusub ee Nijeeriya Mahamadou buhari ayaa sheegay in la dagaalanka musqmaasuqa uu siin doono mudnaanta koowaad .
Shaqalahan bangiyada ayaa waxaa la xiray toddobaadkii hore inta aan madaxweynahaba la dhaarin, mana aha taalbo uu isgau qaaday , lakiin waxay sharaf u tahay gudida la dagaalanka musuqmaasuqa ee Nijeeriya …
Bangiga dhexe ee Nijeeriya ayaa sheegay in ay arkeen khaladkan ka dib markii ay sameeyeen xisaabi xilmaleh, ka dibna ay warbixin u gudbiyeen Hantidhawrka Qaranka.