fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKADowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Khamiis 23 March 2023 {HMC} Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 5-aad Guutada 16-aad oo kaashanaya ciidanka Nabadsugida jubaland ayaa howlgal qorsheeysan kasameeyay degaano ay kamid yihiin Biibi, Maalka-dhaqajo, Beer-xaani, Qudus, oo katirsan gobolka Jubada hoose.
Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad Kumaandooska Xds ee Danab Carab Dheeg Axmed ayaa sheegay in Ciidanka howlgalka kudileen 5 Al-Shabaab, sidoo kalena nolosha lagu qabtay Xubno kale iyo 5 Ak47 ah.
Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgallada ay noqon doonaan kuwa sii socda ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saarayo degaannada iyo degmooyinka katirsan Al-Shabaab.
Degaannada Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa meelo kamid ah ku sigan Ururka Al-Shabaab, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay wado guluf dagaal oo looga saarayo.
MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Doorashada Madaxweynaha Puntland oo Lagu galidoono qof iyo cod

0
Arbaco-4-October-2023-{HMC} Doorashada Madaxweynaha Puntland oo Lagu galidoono qof iyo codMaxamuud Caydiid Dirir Wasiirka warfaafinta ee maamul Puntland, ayaa ku adkaystay inay qabanayaan doorasho qof...