Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeDowladda Poland oo xaqiijisay inay uga dhinteen Muwaadiniin Qaraxii ka Dhacay Muqdisho
Array

Dowladda Poland oo xaqiijisay inay uga dhinteen Muwaadiniin Qaraxii ka Dhacay Muqdisho

Xukuumadda Poland ayaa sheegtay inay laba Ruux oo Muwaadiniintooda ah ku dhinteen Qaraxii Isniintii ka hor ka dhacay Koontaroolka laga galo Xarunta Madaxtooyada Somalia, kuwaas oo la kulmay qaraxa xilli ay kasoo baxayeen Madaxtooyada Somalia.

Weerarkan oo ismiidaamin ahaa ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegatay Al-shabaab, iyadoo ay ku dhinteen 11-qof oo ay ku jiraan Muwaadiniintan Poland u dhashay, iyadoo ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan labaatameeyo qof oo kale.

Dowladda Poland ayaa sheegtay in muwaadiniintooda ku geeriyooday Somalia ay ku jiraan Ruux u dhashay Falastiin iyo Ruux Soomaali ah, kuwaasoo ay xuseen inay ka Qayb-galeen shirkii looga hadlayay doorashooyin ka dhaca dalka Somalia sannadka soo socda.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Poland, Chancellery Marek Biernacki ayaa u sheegay Telefishinka N24 in labadan muwaadin aysan u joogin Somalia howlo Rasmi ah. Isagoo yiri. “Waanu dhowraynaa warbixinnada kasoo kordha arrintan.”

Qaraxan oo ka dhacay koontaroolka hore ee laga galo Madaxtooyada Somalia ayaa dhacay Xilli ay kasoo baxayeen Xarunta Mas’uuliyiin ka mid ahaa Xubnihii ka Qayb-galay Shirkii looga hadlayay doorashooyinka Somalia.

Al-shabaab oo Sheegtay inay iyagu Qaraxan Fuliyeen ayaa Waxay Xuseen inay ku Dileen Weerarkaas lix qof oo ajnabi ah iyo tiro kale oo Soomaali ah, iyadoo aysan Weli ka hadlin hay’adaha amniga dowladda khasaaraha weerarkaas ka dhashay.

Weerarkan ayaa burbur xooggan gaaarsiiyay dhismayaal ku dhow Xarunta Madaxtooyada Somalia, kuwaasoo ay ku jireen hoteello, iyadoo Afhayeenka Al-shabaab uu Warbaahinta u sheegay inay ku beegsanayeen dhamaan xubnihii ka Qayb-galaya Shirkii looga hadlayay Mustaqbalka Somalia.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Poland ayaa sheegtay inay Baaritaanno ku Sameyn doonaan dhimashada muwaadiniintooda lagu dilay Qaraxii Muqdisho, iyadoo aan bixin faahfaahin intaas ka badan.

qarax muqdish ka dhacay

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY