Dowladda Soomaaliya oo dadajineysa dhismaha maamulka Galmudug oo marar badan dib u dhacay

0
12540

Dowladda Soomaaliya ayaa dardargalineysa qorshaha dhismaha maamulka Galmudug oo marar badan oo hore dib u dhacay kaddib khilaaf soo kala dhaxgalay Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in  ay ka go’antahay dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay u dhan-yihiin  dhamaan bulshada ku nool deegaannada Galmudug ayna diyaariyeen  qorshayaashii lagu dhameystiri lahaa arrintan.

Wasiirka Sabriye ayaa sheegay in heshiiska lala galay Ahlu Sunna Waljameeca uu  qeyb weyn ka qaadan doono dhameystirka dhismaha Galmudug, ayna sugayaan  in beelaha ay soo dadajiyaan hannnaanka loo wajahayo dhismaha maamulka.

“In Hanaankan maamul dhisidda Galmudug uu horey u dhaqaaqo mar hore  ayay ahayd, balse howshan ayaa ku soo korortay oo ay ahayd in meel la  saaro, mid, laga bilaabo maanta waxaan sii dar dargelineyaa dhismaha  maamulka, qorshaha maamul dhisidda dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay ku  xirnaan doonaan sida beelaha ay ku soo fududeeyaan” ayuu yiri wasiirka  Arrimaha gudaha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa  khamiistii ku guuleysatay inay heshiis la gasho culimada  Ahlu Sunna Waljameeca kaa oo ay soo dhaweeyeen madaxda dowladda, qeybaha  bulshada iyo beesha caalamka intaba.