Jimco 31 March 2023 {HMC} Wafdi uu hugaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa Maanta Gaaray Magaalada Xudur ee Caasimada Gobolka Bakool oo uu dhawaan ka da’ay Roob xoogan oo dhamaan xiray isku socodka gaadiidka iyo Ganacsiga qeybo kamid ah Xafadaha Magaaladaas taas oo sameen ku yeelatay dadka dantayar ee ku nool halkaas.
Wafdiga Guddoomiyaha waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gargaarka Maamulka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush,waxaana halkaas ku soodhaweeyey Maamulka Xudur iyo golaha deegaanka Magalaadas.
Guddoomiyaha oo halkaas gaarsiiyey diyaaraad wada shixnad mucaawino ah oo dhan 7-tan ayaa u kuur galay saameenta xafadaha uu biyaha Roobka kala xiray isaga oo dadka deegaanka oo xafadahooda biyaha dhex jifan mid mid u tulgay kana wareestay xaaladaha ay haaatan wajahayaann.
Bartamaha xudur waxaa dhex yaal biyo aad u badan,xafadaha qaar ayaa laga barakacay waxaana sidoo kale biyahaan ay sameyeen beero badan oo ay ka baxayeen dalagyo kala gadisan.
Cumar Cabdullaahi Maxamuud Guddoomiyaha Magaalada Xudur ayaa wafdiga Guddoomiyaha uga warbixiyey xaalada Xudur isaga oo u mahadceliyey Hay’adda SoDMa oo Gargaar soo gaarsiisay.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo dhextagay xafadaha ay biyaha galeen ayaa dadka u sheegay in ay dhibka la qeybsanayaan,haatana uu keenay gargaar hordhac ah kuwa kalana hay,adda keeni doonto.
Wasiirka Gargaarka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xudur u baahantahay garab istaag,isaga oo si gaar ah ugu mahadnaqay guddoomiyaha Hay’adda maareynta musiiboyinka.