Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeDuqeyn ka dhacday Gobolka Galgaduud Iyo Xiisada Oo Kacsan Manta Warkii Ugu...
Array

Duqeyn ka dhacday Gobolka Galgaduud Iyo Xiisada Oo Kacsan Manta Warkii Ugu Danbeyay Ee Gobolkaas

Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaa Degaanka Ceel-cambuulo oo hoostaga Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa Ciidamada Itoobiye ee ku sugan Ceelgaras waxaa ay Tiro Madafiic ah ku garaceen Degaankaasi.

Degaanka Madaafiicda ay ku Garaceen Ciidamada Itoobiya ee Qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa la soo warinayaa in Al-shabaab Saraakiil ka tirsan uu uga socday Shir muhiim ah,iyadoo Ciidamada Itoobiya ay ku Garaaceen Hoobiyaal.

Dadka Degaanka ayaa laga soo Xigtay in Madaafiicdaasi ay geeysatay Khasaaro kala duqan,inkastoo aan si dhab ah loo Xaqiijin.

Ciidamada Itoobiya ayaa Maalmahaan Dhaqdhaqaaqyo ka waday qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud,kuwaas oo Qorsheynaya in ay Shabaab ka saaraan Goobaha ay Galgaduud ka maamulaan.

Al-shabaab wali wax war ah kama soo saarin Duqeynta Ciidamada Itoobiya ay u Geysteen.

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY