Saturday, January 28, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAFaah Faahin KaSoo Baxeeyso Dagaal Gobolka Galguduud ku dhexmaray ciidanka Itooobiya...

Faah Faahin KaSoo Baxeeyso Dagaal Gobolka Galguduud ku dhexmaray ciidanka Itooobiya iyo Xoogag ka Tirsan Shabaab

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa xalay ku dagaalamay deegaan hoos taga degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud, iyadoo dagaalkan uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu yimid kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay waddada u galeen kolonyo gaadiidka ah oo ay wateen ciidan ka tirsan kuwa AMISOM oo ka socda Itoobiya.

Taliyaha ciidamada dowladda ee Galgaduud, Maxamed Kaariye ayaa sheegay in ciidamada oo wada-socda ay wadada u galeen koox Al-shabaab ka mid ah, isla markaana ay khasaare u geysteen.

“Dagaalka wuxuu ka dhacay deegaan ay ciidamada ay marayeen, waxaana soo weeraray nabad-diidka, khasaare ayaa u geysanayay, baabuurna waa ka qabanay,” ayuu yiri taliyaha oo aan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka.

Al-shabaab ayaa horay u go’doomiyay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, gaar ahaan degmada Ceelbuur oo horay ay ula wareegeen ciidamada dowladda iyo AMISOM, iyagoo waddooyinka u gala ciidamada xilliyada ay deegaannada isaga gooshayaan.

 

MUQAALADA

ENGILSH NEWS