fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAFaah faahin: Weerar qaraxyo ku billaawday oo lagu qaaday saldhig kuyaalla Shabeellaha...

Faah faahin: Weerar qaraxyo ku billaawday oo lagu qaaday saldhig kuyaalla Shabeellaha Dhexe

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in waaberigii hore ee saaka ay weerar qarax ku qaadeen saldhig Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ku leeyihiin degaanka Daaru-nicmo oo hoostaga degmada Runil-good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in werarka kadib uu dhacay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, kaas oo weli ka socda degaanka.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka oo aan la xiriirnay ayaan noo suurto gelin si an wax uga weeydiino weerarka, balse waxaa la sheegay inay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay weerarka.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Doorashada Madaxweynaha Puntland oo Lagu galidoono qof iyo cod

0
Arbaco-4-October-2023-{HMC} Doorashada Madaxweynaha Puntland oo Lagu galidoono qof iyo codMaxamuud Caydiid Dirir Wasiirka warfaafinta ee maamul Puntland, ayaa ku adkaystay inay qabanayaan doorasho qof...