Tuesday, June 6, 2023
spot_imgspot_img

Faah faahino kasoo baxaya Qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho

KHamiis May-25/2023-{HMC} KHamiis May-25/2023-{HMC} Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo saakay jugtiisa si weyn loo maqlay , qaraxan ayaana la sheegay in uu ka dhacay meel aan ka fogeyn xarunta degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in qaraxa oo ahaa nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay meel ku dhaw koontarool ay ciidamada booliisa milataari inta badan ku baaraan dadka iyo gaadiidka .

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhaawacmay labo qof oo shacab ah oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegay in qaraxa uusan khasaaro kasoo gaarin askartii la doonayay in lagu waxyeeleeyo.

Qarax habeeno kahor ka dhacay degmada Kaxda ayaa lagu dilay askar katirsaneyd ciidamada booliiska sida milatariga u tababaran ee lagu wareejiyay xasilinta ammaanka magaalada Muqdisho

MUQAALADA

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Qorshe ay La damacsanaayeen Lafta gareen iyo Aadan Madoobe Dagmada Baraawe oo La ogaaday

Talaado-june-06-6-2023-{HMC} Qorshe ay La damacsanaayeen Lafta gareen iyo Aadan Madoobe Dagmada Baraawe oo La ogaaday iyo dadka ka so jeedo Dagmadaas oo Casho xoogan...