Ciidamada Amaanka Magalada Baladweyne ayaa bilabay baaritaano lagu baadigobaayo dadkii ka danbeyay dilkii Logeysat Allaha U Naxariistee Nabadoon Xasan Aadan Ibraahin {Xasan oog } oo maqribkii kooxo hubeysan ayku toogteen nawaaxiga Gurigiisa .
Ciidamada Amaanka baladweyne ayaa Gacanta Ku so dhigayay Rag loga shakiyay in ay kadanbeyeen dilka nabadoonka kuwaas oo laga soqabtay xafada uu dilka ka dhacay ee buunda weyn
Raga lo qabtay dilka nabadoonka ayaa ila iyo hada aan la shaacin tiradooda balse qaarkamid ah saraakiisha ciidamada Oo Lahadlay Radio hiiraanweyn ayaa shegay in dadka la soqabtay laweydiinayo su aalo kusaabsan waxa ay ka ogyihiin dilka nabadoonka
Tan iyo markii dilka nabadoonka maqribnimadii caawa ayaa mar qura waxaa isbadalay jawiga magalada waxana ilaa iyo hada lamaqlayaa rasaas goos goos ah oo ka dhaceyso gudaha magalada gar ahaan xafada lagu dilay nabadoonka oo ay buux dhaafiyeen ciidamada Booliska Baladweyne
Wii faah faahon ah kala soco Insha Hiiraanweyn.net