fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAGaadiid ku xayiran waddada u dhaxeysa Garissa iyo Wajeer

Gaadiid ku xayiran waddada u dhaxeysa Garissa iyo Wajeer

Khamiis 27,04- 2023 {HMC} Wararka ka imaanaya goblka waqooyi bari ee kenya ayaa sheegaya in muddo usbuuc ay go’an tahay waddada isku xirta magaalooyinka Garissa iyo Wajeer.

Waddada ayaa la sheegay in ay ka go’day meel qiyaastii 130 KM u jirta Garissa ka dib markii roobab xoog leh oo da’ay ay waddada halkaa ka jareen.

Ilaa labaataneeyo gaadiid xamuul u badan oo badeecado kala duwan sida ayaa halkaa ku xayiran, kuwaasoo aan dhinacna halkaa uga dhaqaaqi karin.

Gaadiidleyda halkaa ku go’doonsan waxaa ka mid ah Aadan Axmed Sheekh, ayaa  sheegay in gawaarida ay ku xayiran yihiin labo dooxood oo biya wada dhexdooda.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

{DAAWO SAWIRADA} Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ismiidaamin Ah oo...

0
Jimco Sebtembar 29, 2023 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka so baxaayo qasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa oo galabta ka dhacay Maqaaxi ku...