garoonkan cusub oo loogu magac daray cabdi kariin faarax laqayo ayaa maanta waxaa xariga ka jaray gudoomiyaha gobolka hiiraan cabdi fitaax xassan afrax waxana lacacagta lagu dhisay garoon cusub bixisay dowlada ingiriiska waxana maamulayay maamulka gobolka hiiraan.
Ciyaar xiiso badan oo ay u soo daawasho tageen taageerayaal kala socday gobolada hiiraan iyo gal gaduud ayaa manta lagu furay garoonka kubadda cagta ee STADIOM ABDI KARIIN FAARAX LAQAYO kaas oo ah garoon cusub laga hergiliyay magalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan.
Furitaanka garoonkan cusub ayaa waxaa kasoo qeeyb galay madaxda maamulka gobolka hiiraan iyo amisom gaar ahaana hiil walaal madax kasocotay iyo boqolaal dadweyne ah oo kala yimid xaafadaha magalada beledweyne unasoo daawasho tagay ciyaarta u dhexeeysay hiiraan iyo gal gaduud.
Duqa magalada beledweyn cumar aadan cumar baadiyoow oo la hadlay dadweynaha kasoo qeybgalay furintaanka garoonkan cusub waxana uu mahad celiyay ciyaartooyda ka timid galgaduud iyo taageerayaashooda iyo sidookale kasoo qeyb galayaasha beledweyne oo martida looyahay waxana uu tilmaamay baadiyoow in tani ay qeyb ka tahay horumarada ay gaartay beledweyn.
Col cismaan dubad oo kamid ahaa madaxdii kasoo qeyb gashay furitaanka garoonkan ayaa isna goobta ka hadlay waxana uu sheegay in uu ku faraxsanyahay furitaanka garoonkan cusub waxana uu sheegay in ay iyagoo hiil walaal ah ay la ciyaari doonaan ciyaartoyda beledweyne.
Gudoomiyaha gobolka hiiraan c\fitaax xassan afrax ayaa gabagabadii la hadlay dadweynaha waxana uu tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay garoon kan loogu magacdaray hal yeey reer hiiraan ahaa oo geeriyooday waxana uu amaanay dhamaan daawadayaasha kasoo qeyb galay furitaanka garoonkan waxa kale uu sheegay gudoomiyaha in mashruuca lagu dhisay garoonka ay bixisay dowlada UK maamulka gobolkana uu maamulayay howsha isagoona u mahad celiyay UK.
Ciyaartii ugu horeeysay ee garoonkan lagu dheelo ayaa dhax martay gobolada hiiraan iyo galgaduud waxana 1-0 looga adkaaday ciyaartooyda ka timid gal gaduud sidaasina ay ku badisay hiiraan.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay jawi wanaagsan kuna soo idlaatay jawi wanagsan.
Aadan cabdi axmed Hiiraanweyn Beledweyne
Sawir Qaade aadan cabdi axmed aadan qeeys
Comments are closed.