Golaha Abwaanada aya soo dhaweyay go’aankii Maxkamada ciidamada qalab ka sida aya ku amartay in la sii dayo col cilmi Cismaan guure(cukaash) oo ka mid ah Sarakiisha ciidamada Xoogga dalka Somaliya
Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Abwaanada Xirsi Dhuux Maxamed Weheliye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay Golaha Abwaanada Soomaaliyeed soo dhaweenayaan in danbi lagu waayo col Cukaash,waxaana Golahu uu Xusay in Kornelka uusan awalba wax danbi ah laheyn oo Eedeymaha loo soo jeediyay ay ahaayeen kuwo been abuur ah.
Col cismaan cilmi guure(cukaash) aya muddo ka badan shan bilood ku xiran xabsi ku yala magalada Muqdisho.
Xariga Col cukasha aya ka dambeyay kadib markii uu tiriyay gabay uu kaga hadlayay xaalada ay ku shaqeeyaan Ciidamada Xoogga Dalka.