Tuesday, June 6, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Array

Guddigii loo saaray baaritaanka dilkii Xildhibaan Dirir oo baaritaan horu dhac soo bandhigay

Guddigii loo xil saaray baaritaanka dilkii Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir loogu geystay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay baaritaan horu dhac ah oo ku aadan qaabkii uu u dhacay dilkaas oo ay geysteen Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir oo xubin ka ah Guddiga ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xarunta CID ayaa sheegay in baaritaanka uu wali yahay mid horu dhac ah.

“Shilkii ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama 23-kii bishan, halkaasoo muwaadiniin Soomaaliyeed ku geeriyoodeen oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Dirir iyo labo qof oo kale shacab ah,Guddiga baaritaan horu dhac ayay ku guuleysteen inay soo bandhigaan, waxaa gacanta lagu hayaa saddex baabuur, qoryihii fal dambiyeedka lagu galay iyo ilaa 14 ruux oo u xiran falkaas”ayuu yiri Dr. Axmed Cali Dahir.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in saddex baabuur ay kala yihiin baabuurkii ay Xildhibaanada wateen, gaari ay leedahay Waaxda Socdaalka iyo gaarigii ay wateen Ciidamadii Milateriga ahaa.

“Waxaa gacanta Guddiga ku jira ilaa todobo qoray oo lix qori ay yihiin AK47, halka qoriga kalena uu yahay BKM, waxaana tuhunsanahay inay yihiin kuwo fal dambiyeedka lagu galay 14 ruux ee falkaas u xiran labo ka mid ah waa Ciidamada Milateriga, iyagoo dhaawac ah ayay xiran yihiin”ayuu hadalkiisa ku sii daray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in falkii lagu dilay Xildhibaan Dirir ay ka dambeeyeen ciidamo milateri ah, iyadoo Wasaaraddu tilmaamtay in falkaas uu ahaa mid ku dhacan si kama’a ah, markii gaari ay wateen ciidamada oo wadada marayay ay dhowr jeer hoon u yeeriyeen gaariga Xildhibaanada la socdeen, dabadeedna markii uu ka dhega adeegay ay wado kale mareen, rasaasna ku fureen.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore magacawday Guddi soo baara falkan, waana markii u horeysay ee Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay dilkiisa ku lug yeesheen Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya

 

MUQAALADA

WARARKA

Baarlamaanka Somaliland oo laalay xubinimadii C/risaaq Khaliif

Talaado-june-06-6-2023-{HMC}  Baarlamaanka Somaliland ayaa Talaadada maanta ah waxa uu sheegey inuu laalayo xubinimadii Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, Talaabadan ayaa salka ku haysa eedeymo loo jeediyey ay...