Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo fiidnimadii caawa ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho.
Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas ay niman dabley ah ku fureen, xilli uu ku sugnaa degmada Xamar weyne.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu yiri āINAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN hor iyo horaan anigoo ku hadlaya magaceeyga, magaca Guddoonka Golaha Shacabka iyo magaca Xildhibaannada Baarlamaanka waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida ku timid allaha u naxariistee Xoghayaha guddiga arrimaha gudaha ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo gacan ka xaq daran sababsaday, waxaan Alle uga baryayaa naxariistiisa jano in uu siiyo, si gaar ah waxaan tacsi ugu dirayaa qoyska,carruurta iyo shacabka uu metelayeyā.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan āJawaariā ayaa sidoo kale Alle ka baryey in samir iyo iimaan uu Alle naga wada siiyo Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan waxaana uu dhanka kale ka dalbaday hayāadaha ammaanka oo hada ku howlan baaritaan iney jawaab deg deg ah ka keenaan falkaasi dilka ah.
Waa xildhibaankii shanaad oo sanadkan gudihiis lagu dilo magaalada Muqdisho, iyadoo masāuuliyada dilkan Xildhibaankan iyo kuwii ka horeeyay ay sheegatay Al-Shabaab oo ugaarsi ku heysay Mudanayaasha Baarlamaanka