Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeGuddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Magaalada Cadaado ku wajahan
Array

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Magaalada Cadaado ku wajahan

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa maanta la filayaa inuu gaaro Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay ka socoto dhismaha Maamulka Galmudug oo baarlamaankiisa lasoo dhisay.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia lagu wado inuu ka qaybgalo xaflada dhaarinta xubnaha Baarlamaanka Maamulka Gobolada Dhexe oo maanta Magaalada Cadaado ka dhaceysa.
Wariyeyaasha ku sugan Magaalada Cadaado, waxa ay soo tabinayaan in Magaalada looga diyaargaroobay soo dhaweynta Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Safarkaan uu maanta ku tagaayo Jawaari Magaalada Cadaado, ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago Magaaladaasi, xilli lagu guda jiro dhismaha Maamulka Galmudug.
Xaflada dhaarinta Xildhibaanada Maamulka Gobolada Dhexe, ayuu ka jeedin doonaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Khudbad uu kaga hadlaayo dhiiragelinta uu siinaayo Baarlamaankaasi.
Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe ayaa heer gabo gabo ah maraya, iyadoo Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia ay soo saartay qaabka uu ku socon doono jadwalka shirka.
Hadii Xildhibaanada la dhaariyo, shaqada doorashada waxaa la wareegaya Xildhibaanada Mamulka Gobolada Dhexe oo howshii ergada halkaasi ayeey ku eeg tahay.
MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY