Wararka naga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna ay u diideen Degmada in uu galo Guddoomiyaha Cusub ee Madaxweynaha Jubbaland uu dhawaan Degmada u Magacaabay Cadoow Axmed Nuur.
sida Uu Qof Goob Joog ah U sheegay Radio Hiranweyn Ee Magalada Baladweyne Ciidamada ayaa Iska hor istaag ku sameeyay Guddoomiye Cadoow Axmed Nuur kaas oo doonayay in uu Degmada yimaado Magaacaabistiisa kadib.
Guddoomiyaha iyo Ciidamo ilaalo u ah oo la socday ayaa isku dhibay Ciidamada AMISOM ee Degmada Baardheere jooga.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa dhawaan Magacaabay Maamulka Gobolka Gedo,inkastoo uu Muran ka dhashay.