Saturday, February 4, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAGuddoomiye Jawaari oo sheegay in Mooshinkii maanta la soo Afjaray

Guddoomiye Jawaari oo sheegay in Mooshinkii maanta la soo Afjaray

Waxaa la soo geba gebeeyay Kulankii maanta dhexmaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan jawaari iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda iyo sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka,kaas oo looga hadlayay Mooshinka Xildhibaanada qaar ay ka keeneen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa Xusay in asaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay Sixitaan badan ku soo sameeyeen Qodobadii Mooshinka ku xusnaa,waxaana uu Xildhibaanada ka hor akhriyay Guddoomiyaha Qodobada Sixitaanka ay ku sameeyeen,asagoo Xusay in Xildhibaanadu ay ku Qanceen.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta halkaa lagu soo Afmeeray Mooshinkii mudooyinkaan taagnaa oo Xal laga gaaray Xildhibaanadii keenayna laga qanciyay.

Dhanka kale Xildhibaan  Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu Afduubay Xildhibaanadii Mooshinka keenay ee uu ka midka ahaa islamarkaana aysan Waafaqsaneyn sida wax loo maareeyay.

Mooshinkaan oo ilaa Bishii August taagnaa Khilaafna ka dhex abuuray Hay’addaha kala duwan ee Dowladda ayaa Xalintiisa waxaa ay imaaneysaa Xilli ay ku kala qeyb sameen Xildhibaanada Baarlamaanka Dalka.

????????????????????????????????????
hiranweyn.com
MUQAALADA

ENGILSH NEWS

Somali children play football on Mogadishu streets as city hosts high-level...

0
Friday February 3, 2023 By Mohammed Dhaysane. MOGADISHU, Somalia Somali children came out Wednesday in the nation’s capital to play football on the streets as the...