Saturday, February 4, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAGuddoomiyihii Degaanka Janaale oo la dilay Kadib Markii

Guddoomiyihii Degaanka Janaale oo la dilay Kadib Markii

Koox Hubeeysan ayaa Xalay Degaanka Janaale oo hoostaga Degmada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose ku Dilay Alle ha u Naxariistee Guddoomiyihii Degaanka Janaale Garaad Ibraahim Sayid Cali.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay  in Koox Hubeysan ay  ugu galeen Gurigiisa islamarkaana ay Halkaasi  ku qaarajiyeen.

Guddoomiye Kuxigeenka Dhanka Maaliyada Maamulka Gobolka Shabeellaha C/fitaax Xaaji  Cabdlle ayaa warbaahinta  Magaalada Muqdisho u Xaqiijiyay Dilka loogeeystay Guddoomiyihii Janaale.

Sidoo kale Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Kooxdii Dilka ugeeysatay Guddoomiyaha ay Goobta ka baxsadeen.

Garaad Ibraahim Sayid Cali ayaa waxaa dhawaan magacaabay Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan.

MUQAALADA

ENGILSH NEWS

Somali children play football on Mogadishu streets as city hosts high-level...

0
Friday February 3, 2023 By Mohammed Dhaysane. MOGADISHU, Somalia Somali children came out Wednesday in the nation’s capital to play football on the streets as the...