Koox Hubeeysan ayaa Xalay Degaanka Janaale oo hoostaga Degmada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose ku Dilay Alle ha u Naxariistee Guddoomiyihii Degaanka Janaale Garaad Ibraahim Sayid Cali.
Guddoomiyaha ayaa la sheegay  in Koox Hubeysan ay  ugu galeen Gurigiisa islamarkaana ay Halkaasi  ku qaarajiyeen.
Guddoomiye Kuxigeenka Dhanka Maaliyada Maamulka Gobolka Shabeellaha C/fitaax Xaaji  Cabdlle ayaa warbaahinta  Magaalada Muqdisho u Xaqiijiyay Dilka loogeeystay Guddoomiyihii Janaale.
Sidoo kale Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Kooxdii Dilka ugeeysatay Guddoomiyaha ay Goobta ka baxsadeen.
Garaad Ibraahim Sayid Cali ayaa waxaa dhawaan magacaabay Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan.