Koox Hubeysan ayaa Xalay Degmada Yaaqshiid Ee Gobolka Banaadir ku dishay Allah ha u naxariistee Guddoomiyihii Maxkamadda Degmada Dharkenleey ee Gobolka Banaadir oo lagu Magacaabi jiray Sheekh Xuseen Maxamed Cali.
Sheekh Xuseen Maxamed Cali ayaa Xilliga Dilka loogeystay ka soo baxay Masjid ku yaalla Degmada Yaaqshiid Ee Gobolka Banadir,waxaana uu ku soo jeeday Gurigiisa oo halkaa aan ka fogeyn.
Goobjooge ku sugan degmada ayaa sheegay in ay baxsadeen Kooxdii Dishay Guddoomiyaha Maxkamadda,waxaana dilka ka dib sidii Caadiga ahaaba yimid Ciidamada Dowladda oo baaris sameeyay.
Ma jirto Cid la sheegay in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay u soo qabteen Dilka Marxuunka Ee Xalay ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.