Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Max’ed Nuur Siidii ayaa qiray inay jiraan wararka sheegaya in Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya shalay isaga baxay deegaanka Toora-toorow oo ka tirsan Sh/hoose.
Deegaanka Toora-torow ayaa in mud ah waxaa maamulayay dagaalyahanada ururka Al-shabaab,laakiin mar danbe waxaa kala wareegay ciidamada Dowlad iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya.
Gudoomiye Siidii ayaa ku micneeyay ka bixitaanka ciidamada Dowlada deegaankaasi inay u sabab yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwii horkacayay Ciidamadaasi.
Sidoo kale,gudoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Max’ed Nuur Siidii ayaa been abuur ku tilmaamay in wararka qaar oo sheegaya in ka bixitaanka ciidamada deegaanka Toora-torow sabab u tahay mushaar la’aan soo wajahay Ciidamada iyo saraakiishooda.
Deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa wali waxaa ku sugan kooxda Al-shabaab,kuwaasi oo marar qaar weeraro ku qaada Fariisimaha ciidamada Dowlada iyo AMISOM ku leeyihiin gobolkaasi.