Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeHaweeney lacag ay aruursaneysay mudo 10-sano ah Xajka ku tagtay !! (Warbixin...
Array

Haweeney lacag ay aruursaneysay mudo 10-sano ah Xajka ku tagtay !! (Warbixin +Sawir)

Haweeney u dhalatay Dalka Uganda oo lagu magacaabo Kasifah Nankumba, ayaa sanadkan nasiib u yaeelatay in ay kamid noqoto Malaayiinta Muslimiinta ah oo sanadkan gudanaya Waajibaada xajka kuna sugan dhulka barakeesan.

Kasifah Nankumba, oo 58-sano jir ah ayaa sanadkan xajka ku aaday lacag ay uruurineysay mudo 10-sano ah, waxa ayna Haweeneydan ka sheekeesay marxaladihii ay usoo martay sidii ay mar un u tagi laheed dhulka barakeesan una soo xajin laheed.

Haweeneydan ayaa sheegtay in ay go’aansatay 10-sano kahor in keydsato lacagtii ay xajka ku tagi laheed, waxa ayna tilmaantay in lacagtaasi ay ku aruursatay Nin ka shaqeeya Shirkadaha Duullimaadka, ugu dambeyna ay nasiib u yeelatay in sanadkan ay xajka aado kadib markii lacagtii laga rabay ay u dhameestirmeen.

Kasifah Nankumba, oo wadada hareeraheeda ku iibin jirtay kaluunka duban ayaa sanadii 2006-dii xili shaqadeeda ku jirtay waxa ay maqashay dadka Muslimiinta ah oo loogu baaqayo in ay isdiwaan galiyaan si ay usoo xajiyana, waxa ayna xustay in xiligaasi aysan lacag heesan balse waxii xiliga aka dambeeyay ay go’aansatay in ay aruursato lacagtii ay xajka ku tagi laheed.

Haweeneydan u dhalatay Dalka Uganda ayaa sheegtay in 15 June 2015, laga soo wacay Xafiiska Xujeyda ee Uganda, qofka soo wacay ayaa ugu yeerayay Xaajiyo Kasifah Lacagtii aad keydsaneysay hadda ayey kugu filantahay oo waad ku xajin kartaa.

”Markaas la I wacayay dhulka ayaan fadhiyay Kalluunkii dubnaa oo muddo 28 Sano ah aan ka ganacsanayay ayaan sidii u iibinayay, afar jeer ayaa la I wacay nasiib darro ma maqlin afartiiba, laakiin ugu dambeyn ayaan tagay Masaajidka lagu magacaabo Wandegeya oo Codbaahiya Masaajidka looga dhawaaqayay dadka baxaya magaceyga ayaan maqlay, waana ka qeyb galay Xajka”ayey tiri Xaajiya .Kasifah Nankumba.

Malaayiin qof oo Muslimiin Xujey ah oo ka kala tagay caalamka daafihiisa ayaa maanta taagan Buurta Carafo, si ay u gutaan rugniga ugu weyn ee acmaasha xajka.

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY