Heeganka la geliyay ciidamada amniga ayuu Wasiir C/risaaq ku micneeyay inay tahay sidii looga hortagi lahaa suurta galnimada weerar Al-shabaab ay ka geystaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho,islamarkaana u qal qal gelin lahaayeen dadka maalintii oo dhan Sooman,sida uu hadalka u dhigay.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska iyo Nabad sugida ayaa xalay howlo kormeer ah ku sameeyay qaar ka mid ah isgooysyada ugu muhiimsan ee magaalada Muqdisho,kaasi oo ay ugu kuur galiyeen xaalada amni.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo bandhigtay ciidamo Boolis ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo amniga Muqdisho inta lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Ururka Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada Bisha Ramadaan.