HORDHAC: Bayern v Villarreal – FC Hollywood Oo Soo Laabasho Weyn Isku Diyaarinaya, Dabinada Unai Emery & Shaxaha Macquulka Ah

0

Kooxda Bayern Munich iyo macalinkeeda Julian Nagelsmann ayaa doonaya inay guul soo laabasho ah meel iskaga saaraan kooxda dhibta badan ee Villarreal oo lugtii hore guul 1-0 ah kusoo garaacday.

Tababare Unai Emery ayaa markale muujiyay awoodiisa macalinimo isaga oo waliba guul intaas ka balaadhan kasoo hoyn karayay kooxda ree Germany, ciyaarta ka dhacaysa Allianz Stadium ayaa loogu kala bixi doonaa wareega afar dhammaadka.

Wareegii hore ee 16-ka ayay ahayd markii Bayern oo lugtii hore bar-bardhac 1-1 ah xilli dambe ka tuugtay RB Salzburg ay lugtii dambe guul weyn oo 7-1 ah ku khaarajisay kulan isla Allianz Arena ka dhacay.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Nagelsmann ayaa sheegay inuu xanuun kaga maqnaan doono daafaca dhexe ee Niklas Sule halka ay dhaawacyo ku waayayaan xiddigaha kala ah Choupo-Moting, Bouna Sarr iyo Corentin Tolisso.

Nagelsmann ayaa haddiiba uu damco inuu iska fadhiisiyo daafaca bidix ee Davies oo aan qaab fiican ku jirin booskiisa u rari doona Lucas Hernandez isaga oo daafaca dhexe ka ciyaarsiinaya Upamecano iyo Nianzou.

Emery ayaa kulankii Athletic Bilbao ay la ciyaareen ee horyaalka qaatay go’aan yaab leh oo ah inuu dhammaan bedelay 11-kii xiddig ee uu Bayern kaga hortagay oo uu nasiyay taas oo muujinaysa sida uu isha ugu hayo kulankan.

Iyadoo Alberto Moreno iyo Boulaye Dia ay yihiin xiddigaha kaliya ee maqan ayuu Emery kasoo xulan doonaa shaxdiisa saf ku dhawaad dhammaystiran.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Bayern Munich (4-3-3): Neuer; Pavard, Nianzou, Upamecano, Hernandez; Kimmich, Goretzka; Muller, Musiala, Coman; Lewandowski

Villarreal (4-4-2): Rulli; Foyth, Albiol, Torres, Estupinan; Lo Celso, Capoue, Parejo, Coquelin; Moreno, Danjuma

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Allinz Arena

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

SHARE