fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeHowlgal lagu baadi goobayo Al-shabaab oo ka socda deegaanada xeebta Kenya
Array

Howlgal lagu baadi goobayo Al-shabaab oo ka socda deegaanada xeebta Kenya

Xukuumada Nairobi ayaa sheegtay in laamaha amaanka ay qaadeen howlgal dagaalyahano Al-shabaab ka tirsan looga baadi goobayo deegaanada dhaca dhulka xeebta gaar ahaan deegaanka Lamu.

Sida lagu daabacay wakaalada wararka Shiinaha ee (Xinhua),Talaabadaan ayaa ka danbeysay ka dib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen bas marayay agaasi.

Booliska Kenya ayaa tilmaamay in dagaalyahano lagu tuhunsan yahay ururka Al-shabaab ay isku dayeen inay isku qarxiyaan gaadiid Boolis oo ka soo ambabaxay magaalo xeebeedka Monbasa kuna sii jeeday Lamu.

“Howlgalka amni sugida ayaa bilowday goor sii horeysay oo shalay ah,ilaa iyo hadana wuu socdaa.waxaana howlgalka ku fidayaa deegaanada keymaha si looga baadi goobo Al-shabaab oo weerar ku qaaday Kolonyo ka soo ambabaxay Monbasa kuna sii socday Lamu,” ayuu yiri Sarkaal sare oo Booliska Kenya ka tirsan.

Kenya ayaa hada wajaheyso xaalado adag oo dhanka amniga ah,waxaana ciidamada amniga ay ku jiraan feejiganaan dheeri ah,kuwaasi oo ay kaga hortagayaan weeraro kaga yimaado Al-shabaab.

Kooxda Al-shabaab ayaa horay wacad ugu maray inay sii wado doonaan weerarada ay ka geysanayaan gudaha ilaa iyo inta ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

werar kenya ah

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

Sacuudiga oo qaaday tallaabo ka dhan ah Maamulka Somaliland

0
Arbaco, October -4- 2023-{HMC}  – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa joojisay xoolihii Somaliland ee loo dhoofin jiray dalkeeda, sida ay sheegtay xukuumadda Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada...