Dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo Garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay Degaano ka tirsan Gobolka Baay.
Guddoomiyaha Degaanka Goofgaduud Axmed Jadiid oo la hadlay Warbahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalku uu iskugu jiro Mid lagu Weeraray Shabaab baro ay joogeen iyo Weeraro dhaba gal ah oo ay Shabaabku sameeyeen.
Axmed Jadiid ayaa intaa ku daray in Ciidamada Huwanta ah ay la wareegeen degaano dhawr ah oo ka tirsan Gobolka Bakool ee islamarkaana ay ku jabiyeen Al-shabaab.
Guddoomiyaha Goofgaduud oo sii hadlay ayaa sheegay in laa dhowr iyo Toban ruux oo kamid ah Shabaab lagu dilay Dagaalada ka dhacay Gobolka Baay ee Koofurta Soomaaliya.
Al-shabaab dhankooda wali wax war ah kama soo bixin oo ku aadan Howlgalada ka dhanka ah ee ka socda Qeybo kamid ah Gobolka Baay.