Howlgalo Dowladda Soomaaliya ay Sameeysay oo lagu dilay 15 katirsan Al-Shabaab

    0
    JIMCO September 23, 2022 {HMC} Ciidamada Xoogga Dalka ee ka hawlgallaya deegaanka Sinadhaqa oo kuyaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galguduud ayaa dagaal saacado badan qaatay waxaa ay la galeen Xubno katirsan Ururka Al-Sabaab oo weerar kusoo qaaday.
    Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada xoogga oo hayay macluumaadka Al-Shabaab, iyaga oo ka faa’iidaysanaya sirdoonkooda iyo wadashaqaynta Shacabka deegaanka ay ka hortageen weerarka, isla markaana ay ka dileen 1 Xubnood.
    “ Dawladda Soomaaliya waxay xusuusinaysaa raga katirsan Ururka Al-Shabaab oo ay marin habaabiyeen in waqtigu gabaabsi ku yahay ayna sii yaraanayso fursadda ay u haystaan in ay kaga baxaan safkooda, waxaayna u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed oo kacdoonkoodu uu yahay Kan micnaha u yeelaya halganka xoraynta Dalka ayaa lagu yiri” Warsaxaafadeedka.
    Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay u mahadcelinayso saaxiibada caalamka ee garab taagan, si gaar ah, dawladda Maraykanka, iyo hawlgalka ATMIS ee qeybta ka ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
    SHARE