spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Itoobiya iyo Israa’iil oo soo gabagabeeyay wareeggii afraad ee wadatashiyada siyaasadeed ee...

Itoobiya iyo Israa’iil oo soo gabagabeeyay wareeggii afraad ee wadatashiyada siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac.

0
24

Arbaco 14 jun 2026 {HMC} Itoobiya iyo Israa’iil ayaa caawa soo gabagabeeyay wareeggii afraad ee wadatashiyada siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac, kuwaas oo ka dhacay magaalada Qudus.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, wadahadalladu waxay diiradda saareen xiriirka labada dhinac, xaaladda Geeska Afrika, Bariga Dhexe, iyo arrimo kale oo caalami ah.

Waxaa sidoo kale laga hadlay iskaashiga horumarinta, ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda, ilaalinta biyaha, tababarrada, dhisidda awoodaha, iyo xiriirka bulshada ee labada dhinac.

Waxaa kaloo la sheegay in wadahadalladan lagu xaqiijiyeen muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Itoobiya ee gobolka, waxayna ku heshiiyeen in la ballaariyo iskaashiga, la xoojiyo wadahadallada, isla markaana la ilaaliyo wax loogu yeeray dhaxalka taariikheed ee ay wadaagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here