Khamiis May.11.2023 {HMC} Kumannaan muhaajiriin ah ayaa lagu qabtay xuduudda Maraykanka uu la wadaago Mexico, iyadoo saacado uun ay ka harsan yihiin waqtiga uu dhacayo xeerka soogalootiga ee muranka dhaliyay.
Xaalad jahawareer ah ayaa ka taagan magaalada El Paso ee gobolka Texas, halkaas ooay buux dhaafiyeen muhaajiriin ka soo tallaabay xuduudda. Intooda badan waxa ay ka walaacsan yihiin sida uu xaalka noqon doono.
Dadkaas ayaa ku nool hareeraha wadooyinka, waxaana dhowr kun oo kamid ah ay maalmihiii la soo dhaafay ku sugnaayeen kaniisad ku taalla magaalada El Paso.
“Weli ma aan arag waxan oo kale. Waa in la helo isbedal. Ka bulsho ahaan, sidan kuma sii jiri karno,” ayuu yiri maayarka magaaladaas, Oscar Leeser oo Arbacadii la hadlayay laamaha amniga.
Madaxweyne Joe Biden ayaa horraantii todobaadkan qiray in “jahawareer muddo socon doono” uu ka dhici doono xuduudda, hase yeeshee ay dowladdiisu ku dedaalayso wax ka qabashada xaaladda.
Waxaa saqda dhexe ee 11-ka May [xilliga Maraykanka] dhici doona xeerka Title 42 oo uu sanadkii 2020 dhaqangeliyay Madaxweynihii hore, Donald Trump.
Xeerka ayaa dhigaya in Maraykanka uu xuduudda Mexico ku celin karo soogalootiga ay kamidka yihiin kuwa doonaya magangelyada bani’aadannimo, iyadoo lagu marmarsiyoonayo xanuunka Covid-19.
Leeser ayaa ka digay in qiyaastii 10,000 oo muhaajiriin ah ay doonayaan in ay ka soo gudbaan xuduudda magaaladiisa. Muhaajiriintaas iyo kuwa ku sugan gudaha Maraykanka ayaa wajahaya mustaqbal hubanti la’aan ah.
Maamulka Biden ayaa Arbacadii hirgeliyay tallaabooyin cusub oo lagu xakameynayo muhaajiriinta, waxaana ka mid ah in dadka sida sharci darrada ah ku gala aanay magangelyo codsan karin muddo shan sano ah.
Maraykanka ayaa sidoo kale shaaciyay isbedal cusub oo lagu dhiiragelinayo muhaajiriinta in qaab sharci ah ay ku galaan dalkaas iyo in si dhaqso ah lagu tarxiilo kuwa aan u hoggaansamin ee ka soo tallaaba xuduudda.
Ku dhawaad 24 kun oo askari ayaa lagu daabulay xuduudda Maraykanka uu la wadaago Mexico, si ay gacan u siiyaan waaxda ilaalada xuduudaha.
Laamaha amniga iyo kuwa ilaalada xuduudaha ayaa hawlgalo ka billaabay El Paso, si loo fududeeyo culayska ay muhaajiriinta ku hayaan magaaladaas.
Kuwa xaqa u leh in ay codsadaan magangelyo bani’aadannimo ayaa isu dhiibay laamaha amniga, halka kuwo kalena ay dib ugu laabteen Mexico.
Dadka lagu qancay kiisaskooda ayaa waxaa loo qabtay waqti ay ku hortagaan garsoore dhanka socdaalka ah. Mid kamid ah dumarka soogalootiga ah ayaa BBC u sheegtay in xilliga loo qabtay uu yahay sanadka 2025.
Xoghayaha amniga gudaha Maraykanka, Alejandro Mayorkas, ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ay abuureen kooxaha dadka tahriibiya “oo si been abuur ah u faafiyay in xuduudda la furi doono kadib 11-ka May“.
Waxa uu sheegay in aan la furi doonin xuduudda, balse Maraykanka uu raadin doono hab sharci ah oo ay dadkaas ku galaan dalka.
Waxaa tallaabooyinkaas kamid ah in Maraykanka uu xarumo dadka lagu kala sooco ka furan doono dalalka Latin Amerika iyo weliba app ay muhaajiriinta u isticmaali karaan qabsashadaha ballamaha magangelyada.