Isbeheysiga maamula dalka Jarmalka eek a kooban axsaabta muxaafidiinta iyo social democratska, ayaa waxa ay xalliyeen murankii u dhexeeya eek u saabsanaan dardar gelinta hanaanka diiwaangelinta tahriibayaasha ee fursadda yar ka haysta sii joogitaanka dalkaasi.
Waxa ay ahayd muran hareeyay xisbiga Christian Democrats iyo axsaabta yaryar ee la bahoobay sida Social Democrats, kaa soo isbuucyo soo jiitamaayay.
Hogaamiyayaasha xisbiyada oo ay hogaamineysay Angela Merkel ayaa waxa ay si wada jir ah u qabteen shir jaraa’id si ay u shaaciyaan heshiiska lagu sameynaayo shan xarun oo gaar ah.
Xarumhaasi waxaa lagu hayn doonaan, dadka sheeganaya inay megengelyo doon yihiin.
Waxaa ka mid ah dadkaasi kuwa ku dhashay dalal loo arko inay amni yihiin, sida, Albaniya iyo Kosovo, iyo dad laga mamnuucay inay ku noqdaan Jarmalka, iyo kuwa diiday inay wada shaqeyn muujiyaan.
Kiisaska dadkaan ayaa go’aan looga gaarayaa isbuuc gudihiisa, mana noqon doonaan bil, codsiga labaadna waxa la soo gudbin karaa laba isbuuc oo kale gudahood.
Badan koodana waxaa la filan karaa in dib loogu celiyo dalalkii ay ka yimaadeen.