fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeKadib Guushii Premier League Ciyaartooyda Chelsea Aya Kentay Iney La Soo...
Array

Kadib Guushii Premier League Ciyaartooyda Chelsea Aya Kentay Iney La Soo Wareegaan Cayaartooy Si Ay U Hormariyaan Heerkooda Ciyaareed Ee Yurub

 

Kadib markii ay kooxda Stamford Bridge ku guuleysatay horiyaalka mudo toban sano ah ka hor waliba si rikoor jabis ah ayuu Mourinho markale sameeyay saxiixyo kale sii uu u adkeeyo koox kamid ah kooxihi ugu fiicnaa abid taariikhda horiyaalka ingiriiska

Waxaa meesha ka baxay ciyaartooy sida Tiago, Scott Parker iyo Mateja Kezman, waxaana soo galay Shaun Wright-Phillips iyoMichael Essien, iyadoo ninka Ghanian ka ahi uu ahaa mid kamid ah khadki dhexee ee ugu fiicnaa xiligaas oo uu Jose Mourinho kooxdiisa ku xoojiyay

Essien ayaana ku raaxeystay galbeedka London iyadoo markale wajigii cusbaa ee kooxda ay u gacan galiyeen horiyaalkoodi labaad oo xiriir ah,  markale Mourinho ayaa badalay kooxdiisa isagoo keenay Michael Ballack, Ashley Cole, Salomon Kalou iyo saxiixi lugu qasaaray Andriy Shevchenko.

Mourinho ayaana markale sidaasi sameyn doona isagoo doonaya inuu ka dagaalamo gudo iyo dibadba, Chelsea ayana dooneysa iney xoojiso kooxdeeda waxa ayna suuqa ugu jiraan goolhaye, daafac garab, khad dhexe iyo weeraryahan.

Si waliba ha ahaatee Jose ayaa doonaya saxiixa Gareth Bale ama Paul Pogba midkood inuu helo, wuxuuna doonayaa inuu isbedel ku sameeyo shaxda kooxda (XI) oo dhan

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO