Xukuumadda Kenya ayaa Shaacisay in Al-shabaab ay Farsamooyinkeedii hore bedeshay ayna Hadda billowday in ay Xag-jireyso Dhallinyarada Dhigta Iskuullada Sare ee Mombasa, kuwaasoo isugu jira Wiilal iyo Gabdho ay doonayso inay u dagaalamaan.
Taliyaha Booliiska Gobolka Xeebta Kenya ku yaalla, Robert Kitur Shaaca ka Rogay in Al-shabaab ay bedeshay hannaankeedii hore ayna dhallinyarada Iskuullada ku jira; gaar ahaan kuwa Dugsiyada sare ay ka dhaadhicinayso inay Jihaadkooda ka Qayb-qaataan.
Robert Kitur ayaa xusay in xukuumaddu ay tallaabo deg-deg ah ka qaadan doonto arrintan, isagoo ugu baaqay Waaliddiinta iyo Macallimiinta ku yaalla Gobolka Xeebta wax ka dhiga ay si dhow ula Socdaan carruurtooda.
“Xag-jireynta Dhallinyarada kama socoto oo keliya masaajidda. Laakiinse hadda waxay ka billaabatay dugsiyada sare,’ ayuu yiri Kitur oo intaas raaciyay. “Waxaanu doonaynaa inaan xaqiijinno in iskuullada Gobolka Xeebta ku yaalla ay ka socoto Xag-jireynta dhallinyarada, Waayo Masaajidda Hadda waa laga Wareegay. Xukuumadduna taas aad ayay uga Feejigan tahay Arrintan.”
Sidoo kale, Taliyuhu Wuxuu xusay in saraakiisha booliiska ay muujiyaan feejignaan dheeri ah ayna la socdaan in ardayda iskuullada dhigta la xag-jireynayo. wuxuuna yiri. “Waxaanu haynnaa Warbixinno Arrintan ku saabsan; Waxaana doonaynaa inaan xaqiijinno in Ardada dhigta Iskuullada aan la xag-jireyn,” ayuu hadalkiisa ku daray Taliyaha Booliiska Gobolka Xeebta ee dalka Kenya.
Taliyaha Booliiska Mombasa ayaa intii uu socday kulanka Sanadlaha ahaa ee ay yeesheen Maamuladayaasha Iskuullada Mombasa kaga dalbaday Mas’uulka ugu sarreeya ee Ururka Maamulayaasha Mombasa, Joseph Kaguthi in Macallimiintu ay hubiyaan is-bedellada ku dhacaya ardayda Iskuulladooda.
“Dhallinyarada waa kuwa u nugul inay macallimintooda ka qaataan fikradaha ku saabsan xajireynta, sidaa daraadeed waa in la digtoonaado oo lala socdo isbedel walba oo ku dhaca dhallinyarada,” ayuu hadalkiisa ku daray Ropert Kitur.
Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Xeebta Kenya ayaa wuxuu sheegay in Xukuumadda Kenya ay qorsheynayso inay ka hortagto Qulqulka xubnaha Al-shabaab ka tirsan ee soo galaya Deegaanka Kaymaha badan ee Boni oo ka tisran Lamu.
Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa waxay horay Qaraxyo iyo Weerarro ay ku dhinteen dad badan ka geystay gudaha dalka Kenya, iyadoo weerarrada Kenya ay billowdeen markii Xukuumadda Nairobi ay Kumannaan Askarteeda ka tirsan u soo dirtay Somalia Sannadkii 2011-kii si ay ula dagaallmaaan Al-shabaab.