Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa maanta sheegtay in 85 dhalinyaro Kenyan ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay isu soo dhiibeen dowladda.Dhalinyaradan ayaa da’dooda waxa ay u dhaxaysaa labaatan ilaa soddon sano jir.
Saraakiisha Kenya ayaa tilmaamay in dhallinyarada ay ka faa’idesteen cafis ay dowladda fidisay billowgii bishii hore, kaasoo ku saabsanaa in dhallinyarada ka tirsan Al-Shabaab ay isaga soo baxaa kooxda.
Waxey saraakiishu sheegeen in tallaabadan ay tahay mid muhiim ah, laamaha amnigana u fududeynaya inay xog badan ka helaan kooxaha argagixsada.
Dhalinyarada la marin habaabiyay ee Kenyanka ayay dowladda u jeedisay inay kasoo noqdaan Shabaabka.
