Xoghayaha arrimaha dibadda ee Dalka Mareykanka ayaa u hambalyeeyay David Cameron oo xisbigiisa Conservative-ka ay guul weyn ka gaareen doorashada UK.
Shir jaraa’id oo sida wada jir ah ay ugu qabteen Paris, asiga iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga,Mr Kerri, waxa uu tilmaamay in Mareykanka uu sii wadayo wadashaqeynta uu la leeyahay David Cameron iyo saaxiibadiisa.
John Kerry ayaa xaqiijiyay in xiriirka iyo wada shaqeynta ay Britain la leeyihiin uu ka war hayo qofkastaa, aysan sii soconeyso taasi.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay arrimaha mudnaanta leh iyo hindisayaasha ay wadaagaan ay si wada jir ah uga shaqeyndoonaan.