Kabtan John Terry marka uu xili cayaareedkan soo idlaado ayuu kooxdiisa Chelsea macsalaameyn doonaa madaama qandaraaskiisa dhamaan doono sidoo kalena da’da ka daba timid.
Hadaba wargeska The Express ayaa qoray in kooxda Chelsea ay kusii dhawaaneyso saxiixa daafaca xulka Italy ka tirsan Leonardo Bonucci.
Leonardo Bonucci ayaa damacsan inuu xagaagan kooxda Juventus isaga hayaamo asigoo xiiso u qabo ka cayaarista Premier League England sidoo kalena daafacan ayaa doonayo inuu macalinkiisii hore Antonio Conte kooxda Chelsea kula midoobo.
28-jirkan tan iyo markii sanadii 2010 uu kooxda Juve yimid wuxuu sanad walbo sameenayaa hormar aan caadi ahayn haatana wuxuu ka mid yahay daafacyada qaarada Yurub ugu wanaagsan.
Sidaa darteed Leonardo Bonucci ayaa la hubaa inuu booska kabtan Terry buuxin karo waxayna Chelsea xagaagan daafacan kusoo iibsan kartaa 25-milyan oo pound.
Dhinaca kale Chelsea waxaa u calaameesay daafaca reer Real Madrid Rapheal Varane inay xagaagan lasoo saxiixato waa hadii ay Leonardo Bonucci gacanta kusii dhigi weyso.