Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeKulankii looga xaajoonayay Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta fashilmay
Array

Kulankii looga xaajoonayay Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta fashilmay

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari , ayaa shalay ka dhawaajiyay in maanta oo arbaca ah uu Muqdisho ka furmayo kulan looga xaajoonayo mooshinkii dhawaan Xildhibaano katirsan Baarlaamaanka Soomaaliya ka gudbiyeen Madaxwenaha.

Kulanka oo maanta la filayay in uu ka furmo Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaan qabsoomin , waxaana xarunta Baarlamaanka aan imaan inta badan Xildhibaanadii la filayay in ay kulanka wada xaajoodka kasoo qeyb galaan.

Warqad kasoo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulankii wada xaajoodka ahaa ee la filayay in uu maanta qabsoomo uu dib u dhac ku yimid, waxaana sababaha dib u dhaca lagu sheegay in R/Wasaaraha Soomaaliya uu dalka kamaqan yahay.

Xildhibaanadii Mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war ay shalay soo saareen ku qaadacay ka qeyb galka kulankan wada xaajoodka, waxa ayna Xildhibaanadan eedeyn u jeediyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka maanta la filayay in Xildhibaanada dahxdooda uga xaajoodaan Moshinka Madxaweynaha laga gudbiyay ayaa fashilmay in uu qabsoomo, lamana oga sida uu u qabsoomi doono kulan kale oo looga xaajoonayo mooshinka muranka dhaliyay ee horey looga gudbiyay Madaxweynaha balse Gudoonka Baarlamaanka sheegay in la hakiyay mooshinkaasi.

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY