Kumanaan ruux oo dalka Spain ugu dhintay cudurka Covid19

    0
    537

    Tirada dadka ugu dhimanaya dalka Spain cudurka corona ayaa sii kordhaya, waxana ay maanta dawlada Spain warbaahinta u xaqiijisay in maanta oo kaliya ay dhinteen 809 ruux, kadib markii uu haleelay cudurka dilaaga halista ah sida fududna loo kala qaado ee Covid19 ama coronavirus.

    Tirada guud ee dalka Spain ayay tani ka dhigeysaa 11kun oo ruux ee sababsaday cudurka Covid19.

    Sikastaba cudur corona oo soo shaac baxay dabayaaqadii bishii december ee sanadkii hore ayaa waxa uu saameyay in ka badan 1 mil ruux oo ku kala nool daafaha dunida.