Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka gaartay naadiga ay halka sare uga jireen horyaalka, waxaana ay hoggaanka u qabtay haatan horyaalka La Ligaha Spain, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1.
Cristiano Ronaldo ayaa goolka ku bilaabay Celta Vigo 8’ daqiiqo, ka hor inta uusan goolka labaad ee Real Madrid dhalin Danilo 22’ daqiiqo, sidaas ayaana lagu kala nastay 2-0 oo ay ku gacan sarreysay Celta Vigo.
Kooxda Celta Vigo ayaa kulankan qeybtii labaad khasaaro kale ay soo wajahday markii uu kaarka guduudan ka qaatay 56’ daqiiqo xiddigeeda Gustavo Cabral.
Nolito ayaa 84 daqiiqo dhammaadkii ciyaarta waxa uu kooxdiisa u dhaliyey kubbad ka timid koorno, waxaana uu ciyaarta ka dhigay 2-1, wali looga gacan sarreeyey kooxdiisa Celta Vigo.
Laakiin daafaca kooxda Real Madrid ee Marcelo ayaa guusha u xaqiijiyey kooxdiisa, markii waqtigii dhimashada ee dhammaadkii ciyaarta uu goolka saddexaad u dhaliyey kooxdiisa, sidaas ayay Real Madrid ku adkaatay 3-1.
Kooxda Real Madrid ayaa haatan hoggaanka u haysa horyaalka La Ligaha Spain, waxaana ay ku horkacaysaa 21-dhibcood, halka kooxda ay ka adkaatay ee Celta Vigo ay ku jirto kaalinta labaad iyadoo leh 18-dhibcood.
Sawirro:






