Liverpool Oo Dacwad Ka Gudbisay Benfica Oo 3-1 Ay Kusoo Garaacday – Maxay Ka Cabanaysaa?

0
208

Liverpool ayaa lug lasii gashay wareegga semi-finalka Champions League kaddib guusha weyn ee ay soo gaadhay, waxaanay Arbacada toddobaadka soo socda garoonkeeda Anfield ku qaabbili doontaa Benfica oo kusoo booqan doonta.

Jurgen Klopp oo ay kooxdiisu ku tartamayso dhamaan koobabka suurtogalka ah ee ay xilli ciyaareedkan, waxaanay rajo fiican ka qabtaa oo ay ku dagaallamaysaa Champions League, Premier League iyo FA Cup oo ay isaga semi-finalka isku dhaceen Man City oo ay badhtamaha usbuucan wada ciyaari doonaan, halka ay waqti hore ku guuleysteen League Cup.

Ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartii Salaasadii ay martida ugu ahaayeen Benfica, taageereyaasha Liverpool ayaa caqabad kala kulmay sidii ay u geli lahaayeen gudaha garoonka, waxaanay waqti badan taagnaayeen bannaanka, waxaana dhaaftay daqiiqadihii ugu horreeyey.

Taageereyaasha Liverpool ayaa loo diiday in ay gudaha u galaan garoonka illaa inta ay gudaha ku wada xeroonayaan dhamaan taageereyaasha Benfica, taas oo ahayd dhacdo cusub oo aan hore loogu arag garoomada, waxaanay taasi keentay in waqti badan ay jamaahiirta Liverpool bannaanka taagnaadaan.

Liverpool ayaa arrintan ka gudbisay dacwad, waxaanay la socodsiisay booliska iyo sidoo kale UEFA, si ay arrintan baadhitaan ugu sameeyaan, isla markaana tallaabo looga qaado kooxda reer Portugal.

Taageereyaasha Liverpool ee loo yaqaano Football Supporters Europea (FSE) ayaa Arbacadii maanta xaqiijiyey in ay dacwad u gudbiyeen UEFA, sidoo kalena booliska Merpol kala hadli doonaan sidii aanay dhacdadan oo kale mar dambe u iman lahayn.