Friday, January 27, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAMaamaulka Puntland oo ka hadlay ku biirida Al-shabaabka Galgala Kooxda Daacish

Maamaulka Puntland oo ka hadlay ku biirida Al-shabaabka Galgala Kooxda Daacish

Mamaulka Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay wararka sheegaya in xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ku sugan Buuraha Goolis ay ku biireen ururka Daacish.

Wasiirka Amniga ee Puntland Cabdi Xirsi Cali “Qarjab”, ayaa sheegay in Daacish, Al-Shabaab iyo Al-Qaacida ay gebigoodba yihiin ururo argagxiso oo aysan waxba isku dhaamin.

Qarjab waxa kale oo uu sheegay inuu maqlay warar sheegaya in Al-Qacida ay dhaqaalihii ka jarteen Al-Shabaab, islamarkaana ay xubnaha Shabaab ay Daacish ugu biireen dhaqaale dartiis.

Todobaadkii tagay ayay ahayd markii ay Al-shabab xubno ka tirsan ay sheegen in ay la midoobeen kooxda Daacish inkastoo wali hogaanka Al-shabab uu arintaasi ka aamusan yahay.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments