Maamulada Galmudug Iyo Puntland Oo ka Hadlay Dagaalada Dib Uga Qarxay Gaalkacyo

0

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa goor dhow ka hadlay dagaalada maanta dib uga soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo, iyagoo midba midka kale ku eedeeyay inuu dagaalka soo qaaday.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan (Mesagaway) ayaa ku eedeeyay Maamulka Puntland inay jebiyeen heshiiskii xabad joojinta, isla markaana weerar qaawan ku soo qaadeen fariisimaha ciidamada Galmudug ee Koofurta Gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay in Galmudug ay aheyd cida mar walba xeerineysay nabadda tan iyo intii uu dagaalka ka qarxay magaalada Gaalkacyo 22-kii bishii, isla markaana ay si shuruud la’aan ah u aqbaleen dadaaladii waan waanta ee ay wadeen odayaasha dhaqanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada iyo beesha Caalamka.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soo-cadde ayaa isna ku eedeeyay maamulka Galmudug inuu dagaalka soo qaaday, isla markaana nasiib darro ay tahay in la jebiyo heshiiskii xabad joojin ahaa.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa ku eedeeyay Ciidamada Galmudug inay madaafiic ku soo garaaceen goobaha shacabka, isla markaana Galmudug aysan raalli ka aheyn heshiiskii shalay dhacay, isla markaana aanay u dulqaadan doonin.

Dagaalada dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo ayaa dib u dhac ku ah heshiiskii nabadeed ee shalay Madaxda labada maamul wada gaareen, waxaana dadaaladii uu waday Ra’iisul Wasaaraha ay u muuqdaan kuwo hal bacaad lagu lisay.

SHARE