Tuesday, January 31, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAMaamulka Ah.lusuna'Waxa Diyaar U Nahay Wadahadal Inaan La Galno Dowlada

Maamulka Ah.lusuna’Waxa Diyaar U Nahay Wadahadal Inaan La Galno Dowlada

Ahlusunna Waljameca ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay Wada hadal ay la gasho Dowladda Soomaaliya kadib Khilaaf mudo taagnaa oo u dhexeeyay Labada Dhinac.

Guddoomiyaha Fulinta Ahlusunna C/risaaq Cali Mire Al-ashcari oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maamulka Ahlusunna uu diyaar u yahay wada hadal uu la yeesho Dowladda Dhexe ee Soomaaliya si loo xaliyo Madmadoowga  Siyaasadeed ee ka dhex jira.

Gudoomiye Al-ashcari ayaa intaa ku daray in Dowladda Soomaaliya ay horay Heshiis ula gashay Ahlusunna Balse looga baxay Ahlusunna.

Garab kamid ah Ahlusunna ayaa Dagaal kula Wareegay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gurceel ee Gobolka Galgaduud Bar-tamaha Soomaaliya.

MUQAALADA

ENGILSH NEWS