Jumco 10 March 2023 {HMC} Wafdi uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-U-heshiisiinta Galmudug Cumar Cabdi Maxamed ayaa Booqday deegaanka XirsiLugeey oo ay taallo Gogol Nabadeed oo u dhaxaysa Dad walaalo ah oo wada daga Degmada Balanbale iyo Deegaano Hoos-yimaada.
Wafdiga wasaaradda oo ay qayb ka ahaayeen Taliyaha Nabad sugida Galmudug, Taliyaha Boliska Gobolka Galgaduud, Taliya-yaasha Boliska Degmooyinka Guriceel Iyo Balanbale Iyo Agaasimo Waaxeedyada Arrimaha Bulshada iyo Dib-U-heshiisiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kormeel balaaran kusameeyay Goobaha loo qorsheeyay shirka ayagoo sidoo kale kulan la qaatay Odayaasha iyo maamulka deegaanka waxayna kala hadleen inay u diyaar garoobaan soo dhawaynta wafuuda imaanyasa Goobta shirka.
Wasaaradda ayaa ku hawlan heshiisiinta Beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhaxmartay deegaanadaan ayadoo maalmahaan loo Balansanyahay in halkaasi ka furmayo shir guud oo arinkaan lagu dhamaynaayo.