Saturday, February 4, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAMaamulka Jubaland Oo Shegay iney Xiriirka Ujarayaan Dowlada Soomaaliya

Maamulka Jubaland Oo Shegay iney Xiriirka Ujarayaan Dowlada Soomaaliya

Madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland C/qaadir Xaaji Max’uud (Lugadheere) oo maanta khudbad dheer ka jeedinayay xafladdii 15-May ee maalinta dhalinyarada, ayaa waxa uu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay taageereeyso kooxo uu ku sheegay qaswadeyaal.

Madaxweeyne kuxigeenka ayaa sheegay in ay xiriirka u jarayaan dowladda Soomaaliya haddii aysan is-hortaag ku sameeyn mooshin ka dhan ah baarlamanka Jubbaland oo uu xusay in ay wadaan xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Masuulkan ayaa xusay in xildhibaannada mooshinka wada aysan u dhalan deegaanada uu ka arimiyo maamulka Jubbaland, wuxuuna ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay xakameeyso kooxo uu sheegay in ay dano gaar ah leeyihiin islamarkaana ka tirsan dowladda.

Mudane C/qaadir Lugadheere ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan daacad ka ahayn xiriirka dowlad goboleedyada qeybta ka ah dowladda federaalka, isagoo intaa ku daray  in loo baahanyahay in dowladdu ka dhabeeyso wada shaqeynta ay la leedahay maamul goboleedyada dalka ka jira .

Hadalka madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee maamulka Jubbaland ayaa kusoo beegmaya xilli mudaneyaal ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ay u gudbiyeen gudoonka baarlamanka Soomaaliya mooshin ka dhan ah baarlamanka Jubbaland.

MUQAALADA

ENGILSH NEWS

Somali children play football on Mogadishu streets as city hosts high-level...

0
Friday February 3, 2023 By Mohammed Dhaysane. MOGADISHU, Somalia Somali children came out Wednesday in the nation’s capital to play football on the streets as the...