fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAMaamulka Jubbaland oo Maanta gacanta ku dhigeen Maandooriye badan iyo dadkii watay

Maamulka Jubbaland oo Maanta gacanta ku dhigeen Maandooriye badan iyo dadkii watay

Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta soo bandhigay waxyaabaha maanka dooriya oo ay ka soo qabteen xaafada shaqaalaha ee magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka oo hayey xogta iyo dhaq dhaqaaqa dadkii waday maandooriyaha khamriga iyo xashiishada ayaa ku guulaystay in gacanta ay ku dhigaa, sida ay sheeegeen saraakiisha Booliska Maamulka Jubbaland

Taliye-kuxigeenka Ciidanka Booliska Jubbaland Gaanshanle sare Xusseen Cali Xaashi oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey maandooriyaha ay maanta soo bandhigeen ciidanka Booliska Jubbaland qaybta gobolka Jubbada hoose.

Wuxuu tilmaamay Gaanshanle Xuseen Xaashi in markana maamulka Jubbaland uusan aqali doonin in waxyaabaha maanka dooriya lagu iibiyo gudaha Kismaayo, isla markaana cid kasta oo falkaas loo soo qabta tallaabo laga qaadi doono.

 

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

RW Xamse oo la kulmay Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden.

0
Sabti Sebtembar 23, 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay madax sarsare...