Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
HomeWARARKAMaamulka Puntland oo ka hortimid in hay'adaha caalamiga ah ay deyn siiyaan...

Maamulka Puntland oo ka hortimid in hay’adaha caalamiga ah ay deyn siiyaan dowladda Soomaaliya

Arbaco  15 March 2023 {HMC} Puntland ayaa sheegtay inay kasoo horjeedo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in ay deymo uga hesho hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka deeqaha bixiya.

 

Maxamed Siciid Faroole, wuxuu sheegay, Puntland inay warqad u diri doonto deyn bixiyayaasha caalamka si ay uga hortagaan, wuxuu ku sheegay qorshaha lagu doonayo in lagu isticmaalo sharcinimada hay’adaha taagta daran ee dowladda Soomaaliya.

Hadalka Puntland ayaa yimid, iyadoo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay qorshaynayso iyadoo adeegsanaysa nidaamkan cusub ee indhaha Beesha Caalamka , ay doonayso in ay lacago ka soo amaahdaan dalalka deeqaha bixiya iyo hay’adaha Bretton Woods, inkasta oo uu hakad ku jiro qorshaha deyn cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkii hore sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay sidii ay uga faa’ideysan lahayd hantida qaranka.

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY